Share

cover art for Shuruucda Soomaalilaan iyo saameeynta ay ku yeeshaan dumarka

Hal-Wadaag

Shuruucda Soomaalilaan iyo saameeynta ay ku yeeshaan dumarka

Ep. 4

Dumarka iyo Sharciga Somaliland

Inkasta oo Dastuurka Somaliland uu si guud u dammaanad qaaday sinaanta muwaadiniinta, haddana dhaqanka iyo shuruucda qaarkood ayaa weli caqabad ku ah xuquuqda dumarka. Haweenku waxay inta badan wajahaan xaddidaad ku saabsan ka qaybgalka siyaasadda, helitaanka hantida iyo dhaxalka, iyo ilaalinta sharci ee xuquuqdooda bulshada iyo shaqada. Waxaa kale oo muuqda in qaabka garsoorka iyo dhaqanka bulshada ay inta badan ku adkaato in dumarku helaan cadaalad buuxda. Sida Hamda Raage ku tilmaantay wareysiga, dumarka Somaliland waxay wajahayaan caqabado sharciga iyo dhaqanka sida la isku waafajin lahaa, iyo sidoo kale, sinaan iyo cadaalad dhab ah.

More episodes

View all episodes

  • 7. Bariga Dhexe ee Casriga ah: Diin, Dawlad, Fikir iyo Isir

    02:51:26||Ep. 7
    Qeybtan Hal-Wadaag waxaan wada sheekeysi dhinac badan taabanaya wada yeelaney Cabdifatah Barawaani. Cabdifataax waxaan ka wada sheekeysaney asalka ereyga Bariga Dhexe, taariikhda Bariga Dhexe ee hore, asaaska siyaasi, fikrad ee fikirka dal ama ( nation) ee ku keeney gobolka Bariga Dhexe. Waxaan si qoto dheer iskula fahaney dhamaadkii boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo sababaha fikir ee keeney dhamaadka, iyo loolanka afkaaraha, isirka iyo diintu doorka uu ku lahaa.
  • 6. Qarniyadii Dahabiga ahaa ee Islaamka (8–14aad)

    01:14:53||Ep. 6
    Qarnigii 8aad ilaa 14aad waxa dunida Islaamka ka hanaqaaday casrigii Dahabiga ahaa ee Muslimiinta. Waa waqti ay horumar weyn ka sameeyeen cilmiga, falsafadda, caafimaadka, xisaabta, xiddigiska, iyo farshaxanka. Magaalooyin sida Baqdaad, Qurtuba iyo Qaahira waxay noqdeen xarumo aqooneed oo dunida oo dhan saameyn ku yeeshay.Qeybtan cusub ee barnaamijkeenna waxaan si qoto dheer ugala sheekeysaney Cabdirisaaq Rakuub sababihii keenay horumarkaasi, hal-abuurkii iyo cilmibaaristii Muslimiinta ee waqtigaas, iyo sida uu dhaxalkoodu u saameeyay cilmi-horumarinta casriga maanta. Waxaan si gaar ah u taabaneynaa shaqooyinka culumada caanka ah sida Ibn Sina, Al-Khwarizmi, Al-Razi, iyo Ibn Rushd.
  • 5. Fahamka Hanti-goosadka: Noocyada iyo Dhaliilaha Hanti-goosadka

    01:06:33||Ep. 5
    Fahamka Hanti-goosadka: Dhaqaalaha, Noocyada iyo DhaliilahaQeybtan, Abdirnasir Ahmed wuxuu si qoto dheer uga hadlay dhaqaalaha guud. Wuxuu sharaxay asal ahaan nidaamka hanti-goosadka, sida uu u shaqeeyo iyo waxa lagu dhaliilo, gaar ahaan arrimaha ay ku dhaliileen hanti-wadaagu. Intaas kadib, wuxuu dul istaagay noocyada kala duwan ee hanti-goosadka ee dunida laga adeegsado, sida ay ula jaanqaadayeen hadba isbadalada dunida ka dhaca. Ugu dambeyn, Abdirnasir wuxuu si dul-istaagey dhaqaalaha Somaliland, iyo nidaamyada casriga ah ee dunida, sida Baanka Aduunka.
  • 3. Bar bilawgii Umawiyiinta

    51:03||Ep. 3
    Taariikhda Islaamka waa mid gun dheer qurux badan. Aniga iyo Cabdicasiis ayaan sheeko wadaag aheyn, kana sheekeysaney bar bilawgii Umawiyiinta iyo sababaha keeney iney Umayiintu hogaankoodu bilaabmo, iyo dhamaadkii hogaanka Khaliifada rasuulka (naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato).
  • 2. Shuuciyada iyo taariikhda dhaqaalaha casriga ah

    01:01:42||Ep. 2
    Dhaqaaluhu waa mid taariikh dheer leh, balse fahanka dhaqaalaha iyo aragtiyaha dhaqaaluhu waa mid inoo fududeyneysa fahanka bulshooyinka. Qeybtan Cabdinaasir oo falanqeeye dhaqaale ah ayaan ka wareysaney dhaqaalaha, diiradana ku saarney wareysigan Hanti-Wadaag, bar bilawga taariikheed, tiirarka Hanti-wadaag. Dhinaca kale waxaan ka hadalney dhaliilaha Hanti-wadaaga.
  • 1. Isbadalka Cimilada

    58:39||Ep. 1
    Isbadalka Cimilada waa mid ka mid ah isbadalada ugu weyn ee dhacaya wakhtigeenan. Markan Hal Wadaag waxa noo casuuman Injineer.Hodo Axmed Saxardiid oo ah khabiir ka hadla isbadalka Cimilada iyo sababaha Isbadalka Cimilada.