Share

Dareenside Podcast
Hordhac
Season 1
•
Dareen side waa podcast aynu ku soo gudbino sheekooyin xiiso leh oo taxane iyo goosgoosba leh, ku lafa-gurno mawduucyo qiimo leh kuna soo qaadano falanqaynta dhacdooyinka taariikhda.
More episodes
View all episodes
4. #4 Black Dahlia | kiis dil oo 77 sanno la xalin kari waayey!!
33:24||Season 1, Ep. 4Black Dahlia waa kiiska ee aan la xalin ee ugu caansan dalka Mareykanka, dilkan oo ka dhacay magaalada Los Angeles sannadkii 1947-kii kaas oo aan ilaa maanta la garanayn cida uu yahay gacan-ku-dhiigluhu. Kiiskan ayaa xilligaa uu dhacay ku abuuray bulshada argagax iyadoo sababtu ay helay habka bahalnimada ah ee loo dilay gabadha dilkan loo geystay oo la odhan jiray Elithabet Short oo ahayd da'da 22 jir.Kala soco dareenside baraha bulshada sida:YouTube: https://youtube.com/@DareensidePodcast?si=5FoInstagram:https://instagram.com/dareen_side_Telegram:https://t.me/Dareen_sideTikTok:https://www.tiktok.com/@dareen_side_?_t=8bmgWaxaad ka dhagaysan kartaa dhammaan madalaha laga dhagaysto podcast-yada sida Google podcast, apple Podcast, Cast box , pocket Cast, podtail, Spotify, Amazon music, Samsung Podcast iwm.3. #3 Damaca Itoobiya ee soo-jireenka ahee dhulka soo Soomaalida
32:56||Season 1, Ep. 31.1.2024 waxa is af-garad heshiis oo dalka Itoobiya ay dawladda Somaliland ku siinayso saldhig militari iyo deked ay dhistaan ku sexeexday magaalada Adis Ababa madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Itoobiya. Heshiiska oo ah mid Itoobiya lagaga iibsaday badda Somaliland ayeynu isla lafa-guri doonaa.YouTube: https://youtube.com/@DareensidePodcast?si=5FoInstagram:https://instagram.com/dareen_side_Telegram: https://t.me/Dareen_side2. #2. Aad baan uga cabsadaa ayeeyday | sheeko la yabaab leh
37:28||Season 1, Ep. 2Saxar waa gabadh 16 jir ah oo la nool ayeeydeed, taas oo hooyadeed iyo aabaheed ay ku dhinteen shil gaadhi. Saxar ayeeydeed markay in mudo la noolaydeed waxay la kulantay arrin amakaag leh kaas oo bedelay dhamaan nolosheeda oo dhan. Fadlan dhamayso sheekada si aad u ogaato waxa ku dhacay Saxar.1. #1. Muslimiintii ugu dambaysay ee Andalus
21:36||Season 1, Ep. 1Ka dib dhicitaankii dawladdii umawiyiinta ee Andalus waxa ay dawladii u kala baxday talisyo yar-yar oo midba mid col la yahay tan oo keentay in maalinba mid ay qabsadaan dhulkii Andalus imaaradihii Kiristanka ahaa, ilaa ay ka qabsadeen magaaladdii ugu dambaysay ee Qarnaada iyaga oo dadkii Muslimiimta ahaa ku qasbay inay gaaloobaan ama ay ka guuraan dhulkoodii Andalus ama in la laayo dhamaantood.